Ganacsato Soomaaliyed ayaa waxaa duhurnimadii Maanta boob loogu geestay deegaanka Bophelong ee ku yaalla duleedka Magaalada Johansbrug ee dalka Koonfur Afrika.
Warar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in boobka loo geystay goobaha ay leeyihiin Ganacsatada Soomaaliyeed uu yimid, kadib markii dadka deegaanka Bophelong ay sameeyeen Banaanbax ay kaga soo horjeedaan koronto la’aanta ka jirta halkaas.
Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee boobka loo geystay oo la hadlay warbaahinta dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in Maanta dad careysan ay dhaceen dukaaman ay lahaayeen oo ay yaaleen waxyaabo kala duwan.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in weli uu socdo Banaanbax xoogan oo rabshado wata ayna dhigayaan dadka deegaanka Bophelong iyo Ganacsato heysta dhalashooyin kale, kuwaasi oo tilmaamay inay kasoo horjeedan koronto la’aanta.
Sawirro laga soo qaaday halka uu ka socdo Banaanbaxa ayaa lagu arkayay dadweyne farabadan oo Koonfur Afrikaan, iyagoo xiray waddooyinka waaweyn ee ku yaalla halkaas, waxaana sidoo kale goobta ku sugan Ciidamo ka tirsan Booliska dalkaas.
Si kastaba dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa dhowr jeer dilal loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaas ku lahaa goobo Ganacsi, waxaana labadii todobaad ee lasoo dhaafay lagu dilay Koonfur Afrika 6 Muwaadin oo Soomaali ah.