Sawirro:-Faah faahin Qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho iyo Dowladda oo war ka soo saartay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Maqaayad ku taalla Nawaaxiga Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaan oo ahaa mid jugtiisa si weyn looga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo xiray Gaari,kaasi oo la dhigay dhismo ku yaalla Isgoyska Dabka,waxaana xiliga uu qaraxa dhacayay wadada ay aheyd mid aan Mashquul ah.

Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaas,halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen,waxaana dadkii dhaawacmay gaadiidka gurmadka deg deg ah u qaadeen goobaha Caafimaadka eek u yaalla Magaalada Muqdisho.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed oo ka hadashay qaraxaas ka dhacay agagaarka Saldhiga Degmada Waabari ayaa sheegtay in gaariga halkaasi ku qarxay oo noocu ahaa Toyota Harrier,isla markaana la hordhigay dhismo ku yaalla Isgoyska Dabka.

“Waxaan mar kale u sheegeynaa Shacabka inay taxaddar muujiyaan oo ay Booliiska kusoo wargaliyaan Gawaarida laga shakiyo iyaga oo soo wacaya 991,Fadlan il gaar ah u yeelo meesha aad gaarigaaga dhigayso, garaashka aad ku dayac tireyso iyo meelaha cidlada ah ee aad uga tagayso,Qaraxyada baabuurta lagu xiro aad bay usii kordhayaan” ayay tiri Taliye Zakiya.

Waa Qaraxii labaad ee Maanta ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho,waxaana qaraxii kan ka horeeyay ee ka dhacay agagaarka Xaaji Baasto ka badbaaday Cabdi Dheere oo ah Taliyaha Nabadsugidda Galmudug,iyadoona uusan geysan wax Khasaaro ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media