Sawirro:-Faah faahin qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faafin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo Galabta ka dhacay agagaarka ee Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ku taalla agagaarka Zayidka.

Qaraxa ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada Dowladda ay istaajiyeen gaariga balse uu qarxay,waxana soo baxaya faah faahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Wararka hordhaca ee soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa 5 Ruux ay qaraxaasi ku geeriyoodeen,sidoo kalena  in ka badan ay ku dhaawacmeen,balse weli lama cadeyn halka sida rasmiga ah gaarigaas uu ugu socday.

Masuuliyiin ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa gaaray Goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaas oo la filayo in saacadaha nasoo aadan ay Warbaahinta u faah faahiyaan qaraxaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media