Sawirro:-Ciidamada Dowladda oo kala eryay Banaanbaxayaal ka soo horjeeday xadgudubka Kenya ay ka wado Balad Xaawo

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa tegay Taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere halkaas oo ay isugu yimaadeen Shacab dhalinyaro u badan oo kas oo horjeeday xadgudubka Kenya ee Xaduudka Balad Xaawo.

Banaanbaxayaasha ayaa watey Boorar ay ku qornaayeen Eryayo ay ka mid ahaayeen Balad Xaawo Iib maahan iyo Erayo kale,waxana ay soo mareen Wadooyin dhowr ah oo ku yaalla Muqdisho.

Daqiiqado kadib ayaa waxaa taalada Daljirka soo agaray Ciidamo ka tirsan kuwa booliska kuwaas oo watey Gaari Shabaqle ah,isla markaana u diidayay in dadkaas ay banaanbaxa dhigaan.

Taliyayaasha Ciidamada ayaa daka u sheegayey in banaanbaxa uu u baahnaa in laamaha amniga lagu soo wargeliyo,laakin aan la’iska dhigin.

Ciidamada qaarkood ayaa dadka banaanbaxayasha ah ku amrayya in Gaariga Shabaqlaha ah ay raacaan,waxan sidoo kale jirtay in Kaamiramaan ka tirsan Tv-ga STN xoog looga qaaday Kamiradiisa,isaga oo ku guda jiray howshiisa Shaqo.

Weli dhacdadaan kama hadlin laamaha amniga Soomaaliya,horana wax go’an ah ugama soo saarin in aan Muqdisho lagu qaban karin banaanbax looga soo horjeedo xadgudubka Kenya ee dhulka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Balad Xaawo.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media