Sawirro:-Duqa Muqdisho oo Baraamij Cusub oo tartan ah u furay 17-ka Degmo

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray barnaamijkan Bulsho Bile oo ay ku tartami doonaan 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Madasha munaasabdan lagu qabanayay oo ah degmada Kaaraan ayaa degmooyinka ka qeyb galayay waxa ay soo bandhigeen hal abuur kala duwan sida hidaha iyo dhaqanka iyo wax soo saarka dalkeena.

Waxaa lagu bilaabay barnaamijkaan degmada Kaaraan, Hiliwaa, Yaaqshiid iyo Shibis oo ah degmooyinka xiga qeybta Bari ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmadada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamud ayaa ka hadlay munaasabadan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu sheegay in hadafka barnaamijkan uu yahay xoojinta nabada, dhiiragalinta hal abuurka bulshada iyo dib usoo nooleynta hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media