Diyaarad sida gaadiid nooca ay isticmaalaan Ciidamada Booliska iyo Mootooyin ayaa gelinkii dambe ee shalay ka degtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegtay in gaadiid gaaraya ilaa 5 Cabdi bile iyo Mootooyinka nooca laba lugaaleyda ay gaarsiisay Magaalada Baladweyne, laguna wareejiyay Maamulka Gobolka.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga ayaa waxaa lagu sheegay in gaadiidkan ay adeegsan doonaan Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan iyo kuwa Booliska Baladweyne, isla markaana loogu tala-galay inay ku shaqeeyaan Ciidanka.
Sidoo kale Ciidamada Booliska Hirshabeelle ayaa gaadiidka iyo Mootooyinka isticmaali doona, xiliyada ay sameeynayaan howlgalada kala duwan ee lagu xaqiijiyo amniga Gobolka, waxaana gaadiidka uu yahay 5 Gaari iyo afar Mooto oo laba lugaaley ah.
Tallaabadan gaadiidka lagu geeyay Baladweyne ayaa waxaa ay kusoo aadeysa, iyada oo lagu wado in maalmaha soo socda Magaaladaas ay ka dhacdaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Hirshabeelle.