Sawirro:-Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Toogasho ka dhacday dhismo lagu caweeyo

Booliska dalka Australia ayaa sheegay in hal qof, dhowr kalena lagu dhawaca Toogasho Waaberigii hore ee saakayto ka dhacay Dhismo lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda 2-aad ee ugu weyn Australia ee  Melbourne.

Toogashadaasi ayaa waxaa lagu dilay Ilaaliye dhinaca Ammaanka oo 37-jir ahaa, halka 4 kalena lagu dhaawacay, iyadoo mid ka mid ah oo 28-jir ah la sheegay inay xaalladiisa aad u liidato.

Boliska waxay tilmaameen in dabley wadatay gaari xawli ku socday ay geysteen Toogashadaasi oo ka dhacday duleedka Dhismo lagu caweeyo oo lagu magacaabo The Love Machine nightclub ee magaalladda Melbourne.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media