Sawirro:-Dhallinyaro Kenyan lagu eedeeyey inay ku biiri lahaayeen Al-Shabaab oo la sii daayey

Maxkamad ku taalla Degmadda Kawaale ee dalkaasi waxay maanta amartay in la sii daayo 17 Dhallinyaro Kenyan ah, kuwaasi oo isbuucii hore la soo xiray.

Maxkamaddu waxay sheegtay inaan la helin caddaymo muujinaya inay Eedeysanayaashaasi doonayeen inay u socdaalaan Somalia, si ay ugu biiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Eedeysanayaashaasi la sii daayey oo 2 ka mid dumar ahaa waxaa isbuucii hore laga soo qabtay  guri ku yaalla Degmadda  Sambuuru ee Gobalka Kawaala.

Dhallinyaradaasi oo da’dooda dhexeysay 18 jir ilaa 27 jir waxay beeniyeen Eedeymaha loo haystay, iyago osheegay inay u shaqeeyaan Shirkad diiwaan gashan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media