Sawirro:-Ciyaartoy lugaha ka jeebadeysan oo la hor geeyey Maxkamad ku taalla dalka Tayland

Xaakim Al-caraybi oo ah Ciyaartoy ka soo cararay dalkiisa oo Aqoonsiga Qaxootinimo ka haysta dalka Australia ayaa waxaa maanta la hor geeyey Makamad ku taalla caasimadda dalka Tayland ee Bankook.

Ciyaartoygaasi waxa uu halgan ugu jiraa sidii aan dib loogu celin dalkiisa hooyo ee Baxrayn.

Weriyayaal, U-ololeeyayaal iyo Saraakiil uu ka mid ahaa Sii-hayaha Danjiraha Australia u jooga Thailand, kuwaasi oo sugayey inay u gacan haatiyaan Ciyaartoyga oo labisnaa dharka Maxaabiista.

Ciyaartoyga waxa uu ku qeylinayey inaan loo dhoofanin Baxrayn, oo uu sheegay inuu  jir-dil kala kulmi doono

Xaakim Al-caraybi waxa uu dalka Baxrayn ka soo cararay sannadkii 2014-kii, wuxuuna deganaansho rasmi ah ka helay dalka Australia, isagoo u ciyaari jirey Koox K/cagta o oheerka 2-aad oo ka dhisan magaalladda Melboon.

Bishi iNovember ee sannadkii hore ayaa lagu xiray caasimadda dalka Tayland ee Bankook, xilli uu ku jiray Arooskiisa ee bisha Malabka.

Hay’adda Boliska Caalamiga ee INTERPOL ayaana ka dambaysay xarigiisa, kadib, markii ay Dowladda Baxrayn ka codstay inay Ciyaaryahankaasi u soo gacan geliyaan.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Dacwad-oogaha dalka Tayland waxa uu codsiga dowladda Baxrayn u gudbiyey Maxkamadda, isagoo sheegay inuu Ciyaartoyga galay dembi, isla markaana ay waajib tahay in loo masaafuriyo dalka Baxrayn.

Xaakim Al-caraybi waxaa la sheegay in loo haysto inuu burbur u geystay Saldhig Bolis oo ku yaalla dalka Baxrayn, isla markaana isagoo maqan lagu xukumay xabsi ilaa 10-sanno ahaa.

Waxa uu beeniyey Eedeyntaasi, isagoo sheegay inuu ciyaar geem ah ku ciyaarayey Telefishin, xilligii la burburinayey Saldhigga Boliska.

Si kastaba ha ahaatee, Dhegeysiga Maxkamadeed ee Xaakim Al-caraybi uga furantay dalka Tayland ayaa la sheegay inay dhowr bilood qaadan doonto in go’aan laga gaaro in loo masaafuriyo dalka Baxrayn.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media