Warbaahinta dalkaasi ayaa qortay inay Ciiddanka soo badbaadiyeen 13 Dhallinyaro Kenyan ah, kuwaasi oo la sheegay inay tababar ku qaadanayeen Xero ay Alshabaab ku leeyihiin Deegaanka RAAS Kambooni ee Gobalka J/Hoose.
Hadal ka soo baxay Boliska Kenya ayaa lagu sheegay in Dhallinyaradaasi dib loogu celiyo magaallooyinka Malindi, Laamu iyo Kilifi, isla markaana ay la midoobi doonaan Qoysaskooda.
Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee Kenya oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin ayaa u sheegay Suxufiyiinta inay Dhallinyaradaasi sheegeen inuu Tashkiiliyey Nin ay magaciisa ku sheegeen Maxamed Cali.
Ciidanka Kenya ayaa la sheegay inay in ka badan 1,100 Dhallinyaro Kenyan ah oo ku biiray Alshabaab soo badbaadiyeen tan iyo sannadkii 2011-kii soo badbaadiyeen, kuwaasi oo badankooda ahaa dadka degga Dhul-xeebeedka Kenya.