Waxaa iminka socda diyaar garoow ballaaran oo ku aadan sidii loogu gurman lahaa Shacabka Magalada Baladweyne ee uu saameeyey fatahaada Wabiga Shabeelle,isla markaana dadkaasi ay Magalada ka barakaceyn.
Maamul goboleedyada qaarkood iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa siweyn waxa ay uga qeyb qaadaan doonaan gurmadka loo sameynayo Shacabkii ka barakacay Baladweyne oo duleedkeeda ku dhibaateysan.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Galmudug ay dhawaan gurmad deg deg ah gaarsiin doonoto Shacabka Magalada Baladweyne ka barakacay.
Waxa uu ugu baaqay dadka degan deegaannada Galmudug in ay doorweyn ka qaataan u gurmashada walaalahooda Reer Hiiraan oo ay musiibadaas ku dhacday.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Galmudug.