Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degmada Dharkenlay ee magaalada Muqdisho waxay ku soo qabteen Haweenay gurigeeda uu ku keydsanaa Hub iyo waxyaabaha Qarxa.
Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa warbaahinta ku hadasha Afka dowladda Soomaaliya u sheegay in haatan uu socdo baaritaan lagu haayo Haweeneydaan iyo hubka lagu soo qabtay, isla markaana loo gudbin doono Maxkamad.
“Howlgalkaan guuleystay ayaa yimid kadib go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin ka hor uga dhawaaqay Muqdisho, kaas oo ahaa in Khawaarijta Garan-waaga ah ee dadkeena ku dhex jirta, hadana ugaarsaneysa deg deg looga soo dhex saaro” ayaa lagu yiri Qoraal uu faafiyay Telefashinka Qaranka.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmeed Diiriye Yabooh ayaa sheegay inay wadaan qorsheyaal lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho, isla markaana la bilaabi doono howlgalo lagu baarayo guryaha.