Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Goboleedka Galmudug ee ku sugan Magaalada Cadaado ayaa Maanta qarxiyay miino maalo kahor ay ka soo saareen gudaha Magaaladaas.
Ciidanka Booliska Galmudug qeybta Miino baarista ayaa Miinada u qaaday duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ,isla markaana intaasi kadib qarxiyay.
Maamulka degmada Degmada Cadaado, Taliska guud ee Booliiska Galmudug, Taliska qaybta Galgaduud ayaa goobjoog ka ahaa Miinada lagu qarxiyey Duleedka Magaalada Cadaado.
Taliska guud ee Booliiska Galmudug ayaa sheegay in Miinada laga soo saaray maalin kahor gudaha Cadaado,taasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka kunool halkaas.