Ciidamada amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa xalay waxaa howlgalo ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Howlgalka ay sameeyeen Ciidanka amniga Puntland ayaa waxaa ku wehlinayay Ciidanka Booliska Boosaaso,waxaana inta uu socday howlgalka ay kusoo qabteen waxyaabaha Qarxa.
Qaraxyada ay soo Bandhigeen Ciidamada ayaa ahaa kuwo Miino nooca dhulka lagu aaso ah,isla markaana waxaa Saraakiisha Puntland ay sheegeen in qaraxyada la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka kunool Magaalada Boosaaso.
Ciidamada amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa dhowr jeer soo bandhigay qaraxyo ay sheegeen inay fashiliyeen,kuwaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka reer Puntland.