Ciidamada Booliska Soomaaliyeeed ayaa Maanta waxa ay howlgal ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada wadajir ee Gobolkan Banaadir.
Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah Ciidamadu uga sameeyeen Xaafada Silliga Ameerikaanka ilaa Wadada Jid Cagaaro ee degmada wadajir,iyada oo intii howlgalka socday ay la dagaalameen Kooxo hubeysan.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in maleehsiyaad hubeysan iyo ciidanka howlgalka waday uu dagaal dhexmaray,isla markaana Ciidamada booliska ay toogteen mid ka mid ah maleeshiyaadka halka Saddex kale ay ka dhaawaceen.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka intii ay ku jireen uu Ciidamada booliska hal Askari kaga dhintay,isla markaana howlgalka sidii loogu talo galay uu u dhacay.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cadullaahi Tuulax ayaa kormeer ku tegay Goobta howlgalka laga sameeyay,waxana ciidamada uu ku amaanay howlgallada joogtada oo ay ka wadaan Caasimadda.
Waxa uu sheegay in goob walba oo ay u fahmaan in uu ka jiro culeys amni ee tegi doono,waxana uu sheegay in halka Maanta howlgalka laga sameeyay ay aheyd meel aysan tegi Karin Ciidamada.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Howlgalka Maanta.