Ciidamada xoogga dalka oo sheegay inay qabteen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa guutada 14-ka Oktoobar ayaa waxa ay Howlgal qorsheysan ka fuliyeen Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellalaha Hoose.

Howlgalkan Ciidamada dowlada ay ka sameeyeen gudaha Magaalada Marka ayaa waxa ay ku soo qabteen Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha Al Shabaab,kaasi oo u qaabilsanaa Aasitaanka miinyooyinka ee dhulka.
Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa guutada 14 Oktobar ayaa sheegay in sarkaalka howlgalka ay ku soo qabteen lagu Magacaabo Saleemaan Cumar Cabdulle oo kamid ahaa Al Shabaab.

Saleemaan Cumar Cabdulle oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa u sheegay in uu Al Shabaab ka tirsanaa,isla markaana u qaabilsanaa Aasitaanka miinooyinka ee dhulka,uuna ku biiray 2015-kii.

Taliyaha guutada 14 Oktobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhaxe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Sarkaalkan ay ka war heleen xogtiisa kadib markii ay usoo gudbiyeen shacabka ku dhaqan magaalada Marko.

G/dhaxe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) waxa uu sidoo kale sheegay in xiliga la qabanayay Sarkaalkan uu buundada Magaalada Marko ku aasayay Miino.

Waxa uu sheegay Taliye Axmed Gaashaan in lasoo qabtay Sarkaalka xiligii Al-shabaab ay heesteen Magaalada Marko uu gacmaha si sharci daro ah ugu jaray dad shacab ah Xubin Sare oo ka tirsan Al Shabaab oo lagu qabtay Magaalada Marka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor