Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo saraakiisha ciidanka hiil-walaal ayaa ka qeybgalay munaasabadda maalinta xuriyadda dalka Jabuuti oo lagu qabtay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM eek u sugan gobolka Hiiraan ayaa goobta munaasabadda ay ka dhaceysay ku soo bandhigay gaada ka ciyaar iyo ay u weyneeyaan maalintaan.
Dowladda Jabuuti ayaa gumaystihii Faransiiska iska dulqaadday sanadkii 1977 oo haatan laga joogo 42-sano waxaana sidoo kale dalka Jabuuti ka dhacday munaasabad lagu weynaynayay maalintaan.