Wararka aan ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Shil gaari oo sababay Khasaaro isugu jira iyo dhaawac uu ka dhacay deegaanka ka tirsan Gobolkaas.
Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu Rogmaday Gaari ay la sodeen ku dhawaad 150 qof tahribyaal Itoobiyan ah,isla markaana kusoo wajahnaa Magaalada Boosaaso,hayeeshee xili ay marayeen deegaan lagu magacaabo tawakal ee hoostaga degmada Xingalool uu rogmaday gaarigii ay la socdeen.
Ugu yaraan 50 ruux oo kamid ah Tahriibayaasha Itoobiyanka ah ayaa ku dhaawacmay Shilka,halka weli aan si rasmi ah loo shaakin titada dhimasho,balse ay jiran dad ku geeriyooday halkaas.
Goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray dadka deegaanka tawakal ee hoostaga degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag,kuwaasi oo gurmad deg deg ah u sameeyay dadkii halkaas ku waxyeeloobay,waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday Isbitaalka ku yaalla Sanaag.