Boqolaal shacab ah ayaa waxa ay maanta iskugu soo baxeen dhinaca waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo dhinaca maamulka Puntland,waxaana ay dalbanayeen in la sii daayo dhallinyaro ku xiran dalka Cuman.
Haween, Caruur iyo dad u badan dhalinyarada deegaanka oo dhigayay banaanbaxa waxa ay ka dalbanayeen madaxda dowladda in xuriyaddooda loo soo celiyo dhallinyaradaas oo uxiray tuhun la xiriira burcad badeenimo, waxaana la soo sheegayaa iney xaalad adag ku haysato xabsiga dalka Cumaan.
Dhalinyaradaan ku xiran dalka Cummaan ayaa la sheegay in ay heysato noloxumo qaarkoodna ay ku xanuunsadeen xabsiyada ay kaga xiranyihiin dalkaas,iyada oo laga dalbaday dowladda in ay gacan ka geysato sii daynta dhalnyarada u xiran Burcad badeednimada.