Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta waxaa lagu qbatay banaanbax looga soo horjeeday Golaha Iskashiag laguna taageerayay Madaxweynaha Cusub ee dhawaan Xildhibaanada ku sugan Cadaado ay doorteen.
Qaar ka mid ah Shacbaka Magalada Cadaado iyo maamulka degmada ayaa banaanbaxa dhigayay,waxaana ay wateen boora ay ku qoran yihiin Shacbaka Galmudug wey diidan yihiin Golaha Iskashiga Waa gole u taagan burburinta Soomaaliya iyo Erayo kale.
Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ee Magalada Cadaado oo banaanbaxa ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan qodobadii ka soo baxay shirkii Garoowe,isla markaana ay taagersan yihiin Madaxweynaha Cusub ee Galmudug ee Cadaado lagu doortay.