Sawirro:-Baarlamaanka Jubbaland oo Maanta Ansixiyay Guddiga Doorashooyinka ee la magacaabay

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Baarlamaanka maamulkaas.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kulankoodka ku meel mariyay Guddiga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyay Guddiga,waxaana Guddigaan uu ka kooban yahay 7 Xubnood,iyadoona xalay uu magacaabay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Guddigaan ayaa haatan waxa ay si toos ah u gudan doonaan Shaqooda ,isla markaana ka shaqeyn doona arrimaha Doorashooyinka Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media