4 nin oo Walaalo ah ayaa isku raacay inay Hooyadood haddiyad u siiyaan inay afartooda hal mar wada dhigtaan Xaflad Wadareed marka ay guursanayaan.
Bishii la soo dhaafay ee June 23-da ayeyna wada dhigeen Munaasabadda Arooskooda.
Richard Oloka oo ka mid ah Boliska Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaana ku faraxsanaa inay walaalihiisa ka waa weyn hal mar wada yegleelaan Qoysas, maadaama ay Hooyadooda ku soo daashay Koriinkooda, tan iyo markii uu Aabahooda geeriyooday bishii May 12-dii ee sannadkii 1989-kii.
Afarta Walaalaha ee halka mar wada yeeshay qoysaska waxaa magacyadooda iyo xaasaska ay guursadeen lagu kala magacaabaa:
1- Stephen Wandera, 48-jir oo guursaday Maureen Asinde.
2- Silver Ofwono oo 44-jir ah oo guursaday Teresa Abot.
3- Peter Owora oo 37-jir ah waxa u uguursaday Grace Achieng .
4- Richard Oloka oo 24-jir ah waxa uu guursaday Rose Awuma
Mamaadda Waxay ku faraxday arrintaasi iyo inay wiilasheeda hal mar wada guursaaan.