Sawiro:Safiirka Swedan iyo Agaasimaha HSJ oo ka wada hadlay aqoonsiga Basaboorka Soomaliya

Safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Swedan Mikael Lindvall iyo Agaasimaha guud ee HSJ  G/Sare Moxamed Adam Koofi ayaa kulan ku qaatay Magaalada Muqdisho.

Safiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka labada Dowladood iyo sidii dowlada Swedan u aqoosan laheyd Basaboorka Soomaliga si muwaadiniinta Soomaliyeed ay ugu tagaan Swedan.

Safiirka Swedan Mikael Lindvall ayaa aqbalay labada arimaha ay ka wada hadleen Agaasimaha guud HSJ waxana uu sheegay in uu la wadaagi doono madaxda ugu sareysa Swedan ayna ugu horeyn ka shaqeyn doonaan aqoonsiga basaboorka Soomaliga ah.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media