Saqdii dhexe ee xalay, waxay Boliska Britain ee La-dagaalanka Argagixisadda dhoolatus ka sameeyeen mid ka mid ah Xaruumaha laga dukaamaysto ee ugu ballaaran dalka Britain.
Dhoolatuskaasi ayaa looga dan lahaa sidii looga hortegi lahaa Weerar laa mid ah Weeraradii ay Kooxda Daacish ka fuliyeen magaallooyinka Paris iyo Brussels.
Dhoolatuska ayaa ahaa Weerar Khiyaal oo ay Kooxda Daacish xilli habeen saq-dhexe ah ku soo weerareen Xarunta Ganacsiga ee Trafford Center ee magaalladda Manchester.
Dadka ka ag dhawaa Xarunta ayaa loo sheegay inaysan sas ka qaadin haddii ay maqlaanqaraxyo waa weyn ama ay arkaan Gaadiidka Gurmadka oo ku soo qulqulayo Xaruntaas.
Boqolaal qof ayaa si is-xilqaan leh uga qeyb galay dhoolatuskaasi, iyagoo jilayey inay qaarkooda dhaawacmeen, qaarkooda ay dhulka seexdeen, si ay uga nabad gaalaan xabbadaha iyo qaraxyadda Mala-aawaalka ahaa.
Tobaneeyo Saraakiil ka kala timid Greater Manchester Police , Merseyside Police iyo Unugga W/galbeed ee La-dagaalanka Argagixisadda ayaana ka qeyb galay Dhoolatuskaasi.
Waxaa taageerayey shaqaalaha Xarunta Ganacsiga ee Trafford Center iyo Adeegyadda Dab-damiska iyo Ambaalsta.
Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ayaa sheegay inaaysan jirin wax cabsi oo ku soo fool leh Dhismaha Trafford ee lagu jilayey Weerarkaasi, waxayna sheegeen in loogu xushay, maadaama Dhoolatuska lagu qaban karo meel ka fog dadweynaha iyadoo ay xilli habeen tahay.
Si kastaba ha ahaatee, ma aha Hawlgalkii ugu horreeyey ee ka dhaca dalka Britain ee lagu jilayo iyadoo weerar argagixiso la soo qaadayy.
Sannadkii hore, magaalladda London waxaa lagu qabtay Dhoolatus ay ka qeyb galeen 1,000 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Britain.
Dhoolatuskan ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Hay’addaha Ammaanka ee dalalka Europe difaac adag kaga jiraan weerar ay Kooxda Daacish soo qaadaan, mana kala cadda halka ay Daacish la beegsan doonaan weeraradda u qorsheysan inay ka fuliyan dalalka Europe.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan