Koox hubeysan ayaa saakay ku toogtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalaha garoonka Aadan Cade ee Muqdisho sida wararka aynu ku helnay.
Kooxda dilka geysatay oo goobta ka baxsatay waxa ay weerarka ku fuliyen mooto sida laga soo xigtay dad goob joogayaal ahaa.
Weli warbaahinta ma aysan helin magaca rasmiga ah ee shaqsiga la dilay,warkan oo intan ka faahfaahsan kala soco wararkeena soo socda.