(SAWIRO)  Uhuru Kenyatta oo booqasho aysan DFS ka warqabin ku tegay Degmadda Dhoobley.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo labisnaa Dharka Milliteriga ayaa shalay booqasho qarsoodi ah  ku tegay Degmadda Dhoobley ee Gobalka J/Hoose, isagoo aan wax Fasax iyo Wargelin ah ka haysanin Dowladda Federalka ee ay Caalamka aqoonsan yihiin.

Uhuru Kenyatta waxa uu la kulmay Ciiddankiisa ku sugan Saldhig ay ku leeyihiin Dhoobley, wuxuuna ku niyad qaboojiyey inay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda hooyo.

“Waxaan DFS kala hadlaynaa sidii ay u dhisan lahaayeen Ciiddankooda, si ay taasi u sahasho inaad dib ugu soo laabataan dalka hooyo” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya, ahna Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay taasi tahay Istaraatijiyadda ay kaga baxayaan Somalia

Waxa uu Askartiisa ku bogaadiyey dadaalkooda ay kula dagaalamayaan Alshabaab, si loo dhiiri-geliyo Ammaanka Gobalka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu sheegay in Joogitaankooda Somalia uu kobciyey Dalxiiskii Kenya, wuxuuna ku booriyey inay si ixoojiyaan Hawlgalka lagu xoojinayo Ammaanka Kenya.

Xeradda Dhoobley ee uu booqday Madaxweynaha Kenya ayaa ah Xarunta Dhexe ee Ciiddanka AMISOM iyo Saldhig QM ee dhinaca Loojistikada.

Safarkiisa ayaa ku soo beegantay 4 maalmood kadib, markii uu Khudbad ka jeediyey Labada Gole ee Barlamaanka Kenya, isagoo sheegay inaysan Ciiddanka Kenya ka soo bixi doonin Somalia ilaa laga gaaro Hadafkii ay Milliteriga Kenya ku galeen gudaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Safarka Uhuru Kenyatta ku tegay Degmadda Dhoobley ayaa qeyb ka ah Ololihiisa Doorashadda Madaxweynaha, waxaase Ayan-darro ah inaysan DFS ka war haynin booqashada uu ku yimid Degmadda Dhoobley.

 

President Uhuru Kenyatta meets Kenyan troops serving under the African Union Mission in Somalia on March 18./PSCU

President Uhuru KenyattaUhuru Kenyatta_KDF_Somalia_PSCU

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media