Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Guud Ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle, ayaa manta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
General Subagle, ayaa si heer sara ah loogu soo dhaweeyay magaaladda, waxaana uu kulamo la qaatay. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, saraakiil ka tirsan IGAD iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Sida uu soo sheegay wariyaha Idaacadda Dalsan ee Magaaladda Jowhar.
Booqashadda Taliyaha Ciidanka Amisom Jen. Cusmaan Nuur Subagle, ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xili dhawaan ciidamo taageersan musharax u taagnaa Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle ay carqaladeeyeen madasha uu ka socdo shirka maamulka Hirshabeelle.