Eedeysanaha oo lagu magacaabo Isaak Aayne Wilson oo 37 jir ayaa lagu qabtay Barxadda Gadaiidka la dhigtay ee Xarunta Islaamiga ee uu dabku qabadsiiyey.
Kooxaha Dab-damiska ayaa damiyey dab ka kacay Dabaqyadda 1-aad iyo 2-aad ee Markazkaasi oo ku yaalla Degmadda Beelevue ee Washinton, lamana sheegin cid wax ku noqotay.
Iimaamka Markazska Islaamiga ee Eastside, Iimaam Faysal waxa uu sheegay inuu ka argagaxay dhacdadaasi.
Iimaamka oo muddo 16-sanno Iimaam ka ahaa Markazka ayaa sheegay inaysan marnaba horey ula kulmin dhacdadan oo kale.
Dhinaca kale, Mujtamaca Muslimiinta ee ku nool Maraykanka ayaa bilaabay inay Tabarucaad Lacageed iska ururiyaan, si dib loogu dhiso Markazka Islaamiga ee dabka la qabadsiiyey.
Ma aha markii ugu horreysay ee Kooxaha Islaamka neceb ay dburburiyaan ama dab qabadsiiyaan Markazyo iyo Masaajido ku yaalla dalka Maraykanka iyo dalalka kale ee Kirishtaanka ah.
©Radio Dalsan