(SAWIRO): Duq magaallo oo lagu dilay dalka Filibiin.

Maayarkii magaalladda TANANUAN ee dalkaasi, ANTONIO HALILI ayaa saakayto toogasho lagu dilay, xilli uu ka qeyb galayey Calan-saarka.

Maayarkaasi ayaa la sheegay inay hal xabbad laabta looga dhuftay, wuxuuna ku geeeiyooday Isbitaalka.

Dabley aan la aqoonsan ayaa la sheegay inay Maayarka soo toogteen, mana kala cadda sababta loo dilay.

Antonio Halili waxaa lagu eedeeyn jirey inuu ku lug lahaa Ganacsiga Daroogadda, inkastoo uu beeniyey arrintaasi.

Kooxo ka ganacsada Daroogada ayaana ku xooggan magaalladdii uu Maayarka ka ahaa ee TANANUAN oo 70 KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Manila.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media