Dowladda Britain waxay shalay ugu deeqday Hawlgalka AMISOM ilaa 47 gaadiidka Culus, kaasi oo la sheegay in lagu kordhinayo Awoodda ay Ciiddanka AMISOM kula dagaalami karaan Xarakadad Alshabaab.
Hdaal ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in gadiidka lagu wareejiyey ay ku jiraan cagafcagafyo, Baldoosaro iyo Gaadiidka wax lagu qaadi karo, laguna dejiyo ee For Lift-ga.
Wxaa kaloo gaadidkaasi ka mid ah gadaiidka lagu nadiifin karo Waddooyinka muhiimka ee ay Ciiddanka AMISOM adeegsadaan.
Taliyaha Qeybta 1-aad ee Hawlgalka AMISOM, jeneral PAUL LOKECH ayaa sheegay in Gaadiidkaasi loo adeegsan doono Hawlgalladda ay ka wadaan magaalladda Muqdisho iyo Goballadda Koonfurta Somalia
Danjiraha Britain u jooga Somalia, David Concar oo Taliska AMISOM ku wareejiyey Gaadiidkaasi waxa uu sheegay inay Dowladiisa kala shaqeynayso AMISOM dadaalkooda ku aadan Deganaanshaha Somalia iyo sidii Nabad iyo Ammaaan loogu soo dabaali lahaa Somalia.
Waxa uu sheegay in Kharaj dhan 5.6 million oo Giniga Ingiriiska lagu soo iibiyey Gaadiidkaais, wuxuuna u rajeeyey AMISOM inay Ciiddanka DFS kala shaqeeyaan Hawlgalladooda, si ay Ciiddanka Soomaalida u yeeshaan Awoos ay ku hanan karaan Ammanaka dalkooda.