(SAWIRO): Afduubihii Diyaaradda EgyptAir oo maanta la soo taagay Maxkamad

Afduube Sayful-diin Mustafa ayaa maanta ka soo hor muuqday Maxkamad ku taalla Qubrus, isagoo loo haysto inuu cabdi geliyey Duuliyaha Diyaaradaasi oo ay la socdeen 56 Rakaab iyo 7 Shaqaalaha Diyaaraddaasi oo nooceedu ahaa Airbus A320.

Eedeysanaha ayaa waxa kaloo lagu soo oogay inuu sunka Isqarxinta oo macmal ah u adeegsaday Afduubka Diyaaradda EgyptAir ee duullimaadka nambarkeedu ahaa MS181 iyo inuu Duuliyaha ku khasbay inuu Diyaaradda ka dejiyo Qubrus.

Afduubahaasi waxaa la arkayey isagoo qoraal ka soo gudbinayo Diyaaradda, waxaana la sheegay inuu codsaday inuu la kulmo Xaaskiisii hore iyo codsiyo kale oo ay ku jirtay in la sii daayo dhamaan Maxaabiista haweenka ee ku xiran Xabsiyadda Masar.

AFDUUBAHA XAASKIISA HOREMaamulayaasha Qubrus waxay sheegeen inuu Afduubkaasi ku xiriirsanaa hilow uu u qabay xaaskiisa hore oo u dhalatay Qubrus, laguna magacaabo Marina Parashkou, taasi oo la sheegay inay 4 carruur u hayso Afduubaha.

Xiisadda Afduubka ayaa soo idlaatay, kadib, markii uu Afduubaha is-dhiibay, waxayna Diyaaradaasi shalay muddo 6 saacadood taagnayd Garoonka diyaaradaha ee Larnaca ee Qubrus.

Sayfuldiin Mohamed-Mostafa.jpg2 Sayfuldiin Mohamed-Mostafa.0003 Sayfuldiin Mohamed-Mostafa Sayfuldiin Mohamed-Mostafa.jpg3

AFDUUBE IYO RAKAAB BRITISH

 

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor