Sawirada Kacbadda Maka Al-mukarama oo la sawiray sannadkii 1888-dii ayaa waxaa markii ugu horreysay lagu iibiyey Guriga Buugaagta lagu iibiyo ee Sotheby oo ku yaalla magaalladda London.
Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa London ayaa qoray in sawirkii ugu horreeyey ee abid laga qaado Kabcadda magaalladda Maka Al-mukarama lagu iibiyey lacag dhan 212,000 oo Pound oo u dhiganta 250,000 oo Dollar.
Nin Kirishtaan oo u dhashay dalka Holland ayaana sawiradaasi soo qadaay, isagoo noqday qofkii ugu horreeyey ee Kirishtaan ah oo galangal u yeeshay inuu gudaha u galay magaalladda Maka Al-mukarama sannadkii 1888-dii oo haatan laga joogo 131-sanno.
Ninkaasi oo lagu magacaabi jirey Christian Snook Hergurungi waxa uu wax ka qoray Taariikha Mak Al-mukarama muddadii halka sanno iyo barka ee uu ka shaqeynayey Qunsulliyadda Holland ku lahayd magaalladda Jidda ee dalka Sacuudiga bartamihii sannadihii 1880-aadkii.
Waxa kale oo uu soo duubay Codadka dadkii xilligaasi ku dhex cibaadaysanayey Kacbadda.
Dhinaca kale, Wargeyska The Daily Mail wax faahfaahin ah kama bixinin Milkiilaha cusub ee Sawiradda uu lahaa Christian Snook Hergurungi, wuxuuna Wargeysku muujiyey inuu Ninkaasi ahaa Aqoonyahankii Reer Glabeed ah ee booqda magaalladda Maka Al-mukarama.
Christian Snook Hergurungi waxa uu Islaamay, muddadii uu ku dhex jiray Barashadda Diinta Islamaka iyo Luqadda Carabiga.
Dhinaca kale, Guriga lagu iibiyo Buugaagta ee Sotheby’s Public sales house ee magaalladda London, waxay sheegeen inay Qoyska Ninakasi ka codsadeen bishan May inay soo ururiyaan buugaagta iyo sawiradii uu ka tegay.
Si kastaba ha ahaatee, Sawiradaasi ayaa waxaa laga dhigay Muuqaal, iyadoo la arkhinayo Suuradda Al-duxaa سورة الضحى.