Afar sanno ayay maanta jirtaa Idaacada Dalsan

Afar sano ayeey jirtaa maanta Idaacadda Dalsan, waxaana dhidabadda loo aasay maanta oo kale 2 bishii April sanadkii 2012.

Afartaasi sano idaacadda waxaa ay soo tabisay Barnaamijo warar iyo shookyin, waxaana ay ka soo tabisaa Gobol, Degmo ilaa Tuulo kasta oo Soomaaliya ka mid ah, taasina waxaa ay idaacaddu ay u sahashay in ay qeyb ka noqoto jadwal maalmeedka qof Soomaalidda ah.

Radio Dalsan ayaa waxaa uu bartilmaameedkiisu uu yahay in ay gaarto guud ahaan dhulka Af-soomaaliga looga hadlo, waxaana hadda ay idaacadda la hadashaa ku dhowaad Toban Gobol oo Soomaaliya ka tirsan. Oo ay ka mid yihiin Banaadir, Shabeellada Hoose, Baay, Bakool, Gado, Shaballleda Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Sidaasi si lamid ah dadka Dunida dacaladdeeda ku nool, si dhib yaraan ah waxaa ay uga heli karaan idaacadda, Sterlite-ka iyo Live Stream-ka, ku darsa oo haddii aad joogo wadamada Mareykanka, iyo Ingiriiska waxaa Dalsan laga dhegeysan karaan Mobilk-ka gacanta.

Qiyaas la sameeyay ayaa muujineysa in saddexdii qof ee ku nool Magaalladda Mogadishu in midkiiba uu dhegeysto Radio Dalsan, taasoo ka dhigan in qeyb kamid ah dadka kunool caasimada Magaalladda Mogadishu in ay Radio Dalsan ka helaan waxa ay ka filanayaan.

Barnaamijyadda siyaasad marka laga yimaado dadka waxaa ay idaacadda ka helaa, Barnaamijyo ay ka mid yihiin,  Maad qosol, Taariiq, iyo Ciyaaraha Kubada Cagta.

Guud ahaa Todobaadkii, idaacaddu waxaa ay sii deysaa ku dhawaad 30 Barnaamij oo badankooda looga hadlo arimaha bulshadda, maadaama idaacadda halkudhigeena uu yahay “ Waanaaga Bulsha ” .

Barnaamijyadaasi qaar-kood waxaa ay leeyihiin magacyo aan cid kale heysan.

Radio Dalsan mudadii ay soo shaqeysa, waxaa ay sameysay barnaamijyo dadka Soomaalidda ay u riyaaqeen, waxaa ay qaaday wareysiyo aan cid kale la siin.

Tusaale Radio Dalsan waxaa si taxadir leh oo dhex-dhexaadnimada warbaahin ay ku jirto loogu aaminay in ay si gaar ah kaga waranto Qaraxii ka dhacay hotel-ka Central 10 bishii February sandkii 2015, shaqadaasi oo ay ku kasbatay mudnaan, Amaan iyo tixgalin kaga timid guud ahaan warbaahinta Dunida oo dhan, waxaana bogaadintasi ay ugu soo tireen si diiran oo saaxiibtinimo ay ku jirto.

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa qiray hormarka ay sameyneyso idaacadda Dalsan, isagoona bogaadin kala duldhacay.

Waxaana mamulka iyo wariyaasha idaacadda kula dardaarmay ka shaqeynta hormarka bulshadda Soomaaliya.

Xafiiska Xogtahahay Guud ee QM ee Soomaaliya, ayaa dhankiisa waxaa uu Radio Dalsan ku amaanay  sida ay uga hadasho hormarka guud ahaan Soomaaliya iyo ka shaqeynta Nabada Soomaaliya.

Radio Dalsan hadda waa ay Afar jirsatay,  Waxaana Shaqaalaha iyo Maamulka soo gaara Hambalyo iyo Bogaadin kaga imaaneysa dhamaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaalida.

Sidaasi si lamid ah Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa Hambalyo diiran lawadaagaya.

Madaxdda Dowladda iyo Bulshadda waxaa ay Maamulka iyo Shaqaalaha Idaacadda Radio Dalsan ay leeyihiin “ Mudnaanta iyo Abaalmarinta waa mid idin dambeyndoonta “.

 

W/Q, Hassan Ali Osman “ Istiila “

Twitter: @HassanIstiila

Gmail : [email protected]

Yahoo: [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor