Gaari miineysan ayaa Barqanimadii maanta ku qarxay agagaarka Hotelka Wehliye ee Degmadda H/wadaag ee magaalladda Muqdisho.
Ugu yaraan 6 qof oo uu ku jirey wiil yar oo Baalshle ah ayaa ku geeriyootay, waxaana ku dhaawacmay 22-qof oo dhamaantooda la dhigay Isbitaalka Madiina.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka geeriyooday ku jireen dad lugeynayey iyo kuwo ku sugnaa goobaha ganacsiga ee kaabiga ku haya Hotel Wehliye.
Taliyaha Boliska Gobalka Banaadir, Maxamed Daahir ayaa Saxaafadda u sheegay inay dad rayid ah ku geeriyoodeen, kuna dhaawacmeen, wuxuuna xusay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyey qaraxaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waa Qaraxii Labaad ee saakayto ka dhacay magaalladda Muqdisho, iyadoo kii ugu horreeyey uu ka dhacay Xero ay Ciiddanka ku leeyihiin Wershaddii hore ee Nacnaca oo ku taalla Degmadda Wadajir.
Dhinaca kale, Sii-hayaha Wasiirka Kalluumeysiga ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Cumar Caymooy ayaa beeniyey in Qaraxaasi isaga lala maaganaa.
Wasiirka oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inuusan isagu ku sugnayn halka uu Qaraxu ka dhacay, bale waxa uu xusay in 2 ka mid ah Ilaaladiisa ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay nawaaxiga Hotelka Wehliye.
©Radio Dalsan