Sarkaal ka tirsanaa Ciiddanka Badda ee dalka Koonfurta Kuurya ayaa geeriyooday, 5 kalena wey dhaawacmeen, wax yar kadib, markii ay dib ugu laabteen dalkooda hooyo.
Shilkaasi ayaa la sheegay inuu dhacay Jimcihii la soo dhaafay, kadib, markii uu Sarkaalkaasi iyo Badmaaxiintii kale uu si kedis ah ugu soo dhacay xarig weyn oo ka soo go’ay Markabkii dagaalka ee ay la socdeen.
Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Badda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inuu shilkaasi ka dhacay Dekedda lagu magacaabo Jinhae oo ku taalla Koonfurta dalkaasi, xilli uu Markabka wax-burburiya ee lagu magacaabo Choi Young baroosinka dhigtay Dekedaasi.
Saraakiisha waxay sheegeen inaysan kala caddayn waxa sababay xariga ka soo go’ay Markabkaasi ee waxyeelladda dhimashadda iyo dhaawaca geystay.
Sarkaalka shilkaasi ku geeriyooday ayaa la sheegay inuu ahaa 22-jir, iyadoo shanta Badmaax ee ku dhawaacantay shilkaasi la dhigay Isbitaalo ku yaalla magaalladda Choi Young.
Xilliga uu shilkaasi dhacayey, waxaa gudaha Dekedda ka socotay Munaasbad lagu soo dhaweynayey Badmaaxiinta ka soo laabatay Hawlgalkii ay u joogeen Badda Somalia.
Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee Yonhap News Agency ayaa soo tebisay in Askartaasi soo dhamaysteen Hawlgal muddo 6 bilood ah oo ay qeyb ka ahaayeen Hawlgalka Caalamiga ee u xil-saaran La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysta Badda Somalia iyo gelbinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Samafalka ee isticmaala Badda Somalia.