Cabdi Aadan, oo Al Shabab u qaabilsana howllgaladda Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya, ayaa lasoo sheegayaa in ay dileen maleeshiyaad hubeysan, kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig ay Al Shabab kulahaayeen deegaanka Luuqa-jeeloow ee Galbeedka Magaaladda Beledweyne.
Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada ee Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim C/llaahi ayaa warbaahinta u sheegay in Sarkaalka la dilay.
Sarkaalka la dilay, ayaa lasoo sheegayaa in si weyn looya yaqaanay gudaha gobolka Hiiraan.
Xaaladda deegaanka Luuqa-jeeloow, ayaa manta degan, waxaa la sheegayaa in ay ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya ay ku wajahanyihiin halka ay ku dagaalameen xalay ciidamo taageersan dowladda iyo Al Shabab.