Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee ku aadan diyaaradii ay saaranayeen Saraakiil ka socotay dowladda Imaaraadka Carabta ee maanta la xayiray ayaa sheegaya in Saraakiishaas dib loo fasaxay.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland eek u sugan Garoonka Boosaaso,isla markaana Maanta diyaaraadaas รย xanibay ayaa waxa ay sheegeen in wadahadal kadib diyaaradii iyo saraakiishii la socotay la fasaxay.
Xayiraada diyaaradaas ayaa sabab u aheyd kadib shaki ka yimid in ay wateen Saraakiisha Boorsooyin aan la ogeyn wxii ku jiray,waxana xusid mudan in 8-dii Bishaan Garoonka Muqdisho lagu qabtay Diyaarad ka timid Imaaraadka oo siday lacag dhan 9.6 Milyan oo dollar.
Weli lama oga sababta ka dambeysay Madaxdii Tababarayaasha Imaaraadjka eek u sugnaa deegaannada Puntland in ay Maanta halkaasi isaga baxaan.
Maalma kahor dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Imaaradka ay tababareen eek u sugan dalka ay la wareegeyso dowladda Soomaaliya,isla markaana ay bixin doonoto mushaaraadkooda.