Warbixin ay soo saareen Guddi Baaritaan oo loo xil saaray Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Jaamacadda Garissa bishii April 2-dii ee sannadkii hore ayaa lagu sheegay in Taliyihii hore ee Boliska Garissa, Benjamiin Ong’ombe iyo Taliyaha Saldhigga,Charles Ayaro ay u muuqdaan in lagu soo oogi doono Weerarkii Jamaacadda Garissa oo ay ku geeeriyoodeen 148 Arday.
Guddiga Baaritaanka Boliska Kenya oo uu madax u ahaa Maxamed Amiin ayaa waxay Warbixintooda ku sheegeen in iyadoo la eegayo Danaha Qaranka in hawlgab laga dhigo Saraakiisha kala ah: Musa Yego, Christopher Muthee iyo Charles Wambugu.
Guddiga Baarayaasha waxay kaloo sheegeen inaysan haynin wax caddaymo oo muujinaya Eedeymo loo haystay 6 Saraakiil Sarsare ee dhinaca Ammaanka.
©Radio Dalsan