Saraakiil ka tirsan CXD iyo AFRICOM oo ka shiray la dagaalanka Al-shabaab

Wafdi ka socda Taliska Ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa Maanta gaaray degmada Doolow ee Gobolka Koonfurta Soomaaliya, iyagoo halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay.

Wafdigan oo isugu jiray Saraakiil, qabiiro iyo xubno kale ayaa waxa Garoonka diyaaradaha Doolow kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan halkaas.

Saraakiisha ka socotay Taliska AFRICOM ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Gedo, iyagoona ka wada hadlay sidii howlgal ka dhan ah Al-shabaab looga bilaabi lahaa deegaanada ay Gobolkaas kaga sugan yihiin.

Sioo kale labada dhinac ayaa isla gartay in howlgalka oo ay ka qaadan doonaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa AFRICOM lagu furi doono waddooyinka Magaalooyinka Gedo oo ay Go’doomiyeen Shabaabka.

Si kastaba Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhowr jeer Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland ugu dhawaaqday howlgalo ka dhan dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo geystay khasaaro oo dhexmaray labada dhinac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor