Madaxda ku Shirsan Afisyooni oo Hal arrin kala hadlay wakiillo ka socday Haweenka

Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa maalintii labaad ka socda Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa dardar-gelinta fulinta heshiiskii 27-kii May laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa iyo horumarada Madaxda ay sameeyeen muddadii halka Bil ay kala maqnaayeen.

Shirka ayaa Maanta waxaa Warbixino looga dhageystay Kooxda la taliyeyaasha Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranka, iyagoona Warbixin siinaya Madaxda.

Dhinaca kale Maaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa qaabilay wakiillo ka socday haweenka Soomaaliyeed oo ay horkaceysay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Xaniifa Xaabsade.

Kulankaan ayaa waxaa looga arrinsaday xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% ee doorashooyinka dhawaan dalka ka dhacaya, waxaana Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay balan qaadeen in la ilaalin doono qoondada haweenka.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Xaniifa Xaabsade iyo Xildhibaanada Haweenka ee ku jira labada Golle ee Baarlamaanka ayaa horey kulamo kala duwan ula yeeshay Madaxda shirka u socda, iyagoona kala hadlay qoondada haweenka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor