Koox ka kooban 10 Sarkaal oo ka socda Boliska Kenya ayaa soo dhamaystay Tababar hal isbuuc ah oo lagu barayey Sharcuucda Waajibaadka Shaqo ee Hawlgalka AMISOM.
Hadal Qoraal oo maanta ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inay Saraakiishaasi ka qeyb geli doonaan sidii loo dhisi lahaa Awoodda Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed (SPF)
Madaxa Boliska AMISOM, Rex Dundun ayaa ku booriyey Saraakiishaas inay isku diyaariyaan Habsami-u-socodka Hawlahooda soo socda, gaar ahaan Doorashadda soo socota ee Somalia.
Saraakiisha Boliska ee Kenya waxay tan iyo bishan July 18-dii Tababar ku qaadanayeen Muqdisho, waana Saraakiishii ugu horreeyey ee ka socda Kenya ee qeyb ka noqda Boliska AMISOM, kuwaasi oo Boliska Soomaaliyeed ka taageera Hawlaha soo-celinta Nabadda iyo Kala-dambaynta.
©Radio Dalsan