Saraakiil Boolis oo la shaqeynayey AMISOM oo dib ugu laaban doona Waddankooda

40 Boolis oo ka kala socda 6-da Waddan ee kala ah: Gaana, Zambia, Uganda , Sierra Leone, Kenya iyo Nigeria ayaa la filayaa inay isbuucan ka dhoofaan maagalladda Muqdisho.

Saraakiishaasi oo muddo hal sanno joogay somalia, waxay tababar  iyo wada-shaqeyn siinayeen Ciiddanka Boliska DFS ee ka hawlgala magaalladda Muqdisho.

Munaasabad lagu sagootinayo Askartaas ayaa lagu qabtay Xarunta AMISOM, waxaana la guddoonsiiyey Abaalmarino isugu jiray Bilado iyo Shahaado Sharaf.

Bixitaankooda ayaa waxay ku soo beegantay, iyadoo la filayo inay 120 Askari oo ka socda dalka Gaana dhawaan soo gaaraan Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan Boliska Hawlgalka AMISOM ka wadaan magaalladda Baydhabo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media