Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Malaysiya ayaa u yeertay Safiirkaasi oo lagu magacaabo Ambassador Kang Chol, kaasi oo laga codsaday inuu faahfaahin ka bixiyo Eedeymo uu Dowladda Malaysia u jeediyey, mar uu bishan 17-dii Shir Jaraa’id ku qabtay Caasimadda dalka Malaysia.
Danjirahaasi waxa uu Dowladda Malaysia ku tilmaamay mid ay Dowlado Ajnabi ah ku adeeganayaan sidii loo baari lahaa dilkii Kim Jong Nam oo ay isku aabe yihiin Hoggaamiyaha dalkaasi, kaasi oo Isniintii hore lagu dilay Garoonka Diyaaradaha ee Kuala Lampur.
Dowladda Malaysia waxay u yeertay Danjirihii u joogay dalka Waqooyiga Kuurya, si ay ula yeeshaan La-tashiyo dheeraad ah oo ku aadan dilkaasi.
Dhinaca kale, Boliska Malaysia ayaa sheegay in 4 nin oo u dhashay Waqooyiga Kuurya oo lala xiriirinayo dilkaasi ay ka baxsadeen Malaysia, isla maalintii uu dilkaasi dhacay.
©Radio Dalsan