(Dhageyso):- Madaxweyne Farmaajo oo lacag dhan 100,000 (Boqol Kun oo Dollar) u’balanqaaday qofkii sheegaa gawarida qaraxyada saaranyihiin.

Muqdisho(Radio Dalsan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marka hore u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii argagixisada geysatay, waxa uu ALLE uga baryayey kuwa dhaawacyada ahna  in uu caafimaad siiyo, sidoo kale madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dhaawacyada halista ah loo fidin doono daryeel caafimaad oo dibedda ah.

Sidoo kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Farmaajo, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u midoobaan arrintaan qatarta nagu ah, waxa uu ballan-qaadey  in dowladdiisa ay ku abaalmarin doonto qofkii soo sheega Gaari walxaha qarxa  lagu sameynayo 100,000 (Boqol Kun oo Dollar), ciidammada Qalanka Sida ayuu sheegay in dhowaan ay qaadi doonaan tallaabooyin adag loo arrimahaasi looga jawaabayo.

Dhinaca kale Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaran Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud, ayaa sheegay in hey’addu ay leedahay meel ay shacbiga kala soo xiriiri karaan sida Lambarka (991 NISA), sidoo kalena dadka Bistoolladaha dilalka ku geysta cidda xogtooda keenta lagu abaalmarin doon 10,000 oo Dollar.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media