Haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Ethiopia, Sahle- Work Zewde ayaa waxaa Waraaqihii Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoontay Danjiraha cusub ee Somalia u joogi doona dalkaasi Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir).
Warbaahinta FANA ayaa sheegtay inay Madaxweyne Sahle-Work Zewde ay Danjiraha Cusub ee Somalia iyo kuwo kala socday 9 waddan ka guddoontay Waraaqihii Aqoonsiga Danjirenimo ee lagu soo magacaabay.
Danjirayaashaasi Cusub waxay ka soo kala jeedaan ย dalalka Somalia, Bangaladesh, Nigeria, Canada, Benin, Israel, ย Mosombik, Bellaruus, Vietnam iyo Estonia.
Dowladda Ethiopia ayaa dalka Soomaaliya u soo magacaawday Safiir Cabdifitaax Cabdullaai Xasan, waxaana warqadaha aqoonsiga Danjirenimo 3-dii bishii lasoo dhaafay Mayย 2021 ka guddoomay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.