Safiirka Qatar u jooga Sudan oo booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoope ee lagu daaweynayo dalkaasi

Danjiraraha Qatar u jooga Sudan, Rashiid Bin C/raxmaan Al-nucaymi waxa uu booqday dhaawacyadda Soomalida ee lagu daaweynayo Isbitaalo ku yaalla caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Dowladda Qatarayaa horey u sheegtay inay  bixinayso Kharajka lagu daaweynayo 171-qof ee lagu daaweynayo Isbitaallada ku yaalla dalka Sudan, oo isugu jira kuwo ay Dowladdu leedahay iyo kuwa Khaaska loo leeyahay.

Wakaalladda Wararka dalak Qatar ee Qatar News Agencu (QNA) ayaa sheegtay inuu Danjiruhu ka magad celiyey dadaalka weyn ee ay Dowladda Sudan ugu jirto daaweynta Dhaawacyadaasi.

Kormeerka Danjiraha ayaa ku soo beegantay, iyadoo maalmihii la soo dhaafay laga dayrinayey xaalladda Daryeeklka ee dhaawacyada lagu daaweynayo Sudan.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Diyaarad ay leeyihiin Milliteriga dalka Qatar waxay Muqdisho keeneen Shixnad Daawo iyo Qalab Caafimaad, waxayna Diyaaradda sii qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoope.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media