Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa maalmo kadib ka hadlay weerarkii ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baladweyne oo mid lagu dilay AUN Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi.
Safiirka oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in ujeeddada weerradan todobaadkii hore dhacay ay ahaayeen inay Soomaaliya kahor istaagaan dib u soo kabashada, xili dalka uu ku jiro marxalad doorasho ah.
Wuxuu sheegay Safiirka in weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Garoonka uu kusoo dhawaaday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, isla markaana aaga Safaaradda ay kusoo dhaceen hoobiyeyaal lasoo tuuray, sidoo kalena Shabaabka ay dadka tooganayeen inta uu socday weerarkii dhacay.
Larry Andre ayaa tilmaamay in weeraradii dhacay ay hor istaagayaan dib u soo kabashada Soomaaliya, isagoona caddeeyay inay taageerayaan dadka doonaya inay Soomaaliya noqoto dal mid amni iyo barwaaqo ah.
Waraysigan oo dheer ayaa Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre wuxuu sidoo kale kaga hadlay la-dagaalanka Al-shabaab, arrimaha doorashada, iyo mowqifka Maraykanka ee midnimada Soomaaliya.
Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baladweyne ayaa dhaliyey khasaaro lixaad leh, waxaana ku dhintay dad ku dhow 50 qof oo ay ku jirtay Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi, halka 108 qof ay ku dhaawacmeen, sidoo kalena dhismayaal ay burbureen.