Danjiraha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan u magacaawaday dalka Sacuudiga ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoona laga guddoomay.
Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Boqor Salmaan Bixin Cabdicaiis, waxaana Munaasabadda goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Amiir Feysal Bin Farxaan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda.
Danjire Saalim Macow oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu warqadaha aqoonsiga u gudbiyay Boqorka Sacuudiga, isla markaana xusay inuu ka shaqeyn doono horumarinta xiriirka u dhexeeya labada dal.
Danjire Saalim Macow ayaa uga mahad celiyay dowladda Sacuudiga sida ay u soo dhaweeysay, waxaana uu sheegay in uu wax weyn ku kordhin doono horunarinta iyo cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ay wadaagaan labada dowladood.