Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saakay ku geeriyooday Diblomaasi ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo lgau magacaabi jiray Amb. Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere).
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuum Ciise Dheere uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay gudaha Magaalada Muqdisho, hayeeshee xanuunkii haayay uu ugu dambeyn u geeriyooday.
Geerida Amb. Ciise Cali ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyagoo tacsi u diray qoyska, qaraabadda iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumka.
Amb. Ciise Dheere ayaa horey mar u soo noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Ciraaq dowladdii hore ee Kacaanka, waxaa u ahaa diblomaasi Arrimaha carabta aad uga xeel dheer oo Madaxdii hore ee dalka kala talin jiray Arrimaha Carabta.