Xarunta Safaaradda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa rasmi ah dib loogu furay, xili ay xirneyd muddo ku dhow lix bilood oo khilaaf u dhexeeyay Somalia iyo Kenya.
Safiirka dowladda Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlaayay Munaasabadda dib u furista Xarunta Safaaradda ayaa soo dhaweynayay dib u furista Safaaradda, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii labada dowladood ka dhex jiray.
Waxaa uu sheegay Safiir Tarsan in Safaaradda inay dib u bilaabeyso shaqooyinka ay u qabaneysay bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya, isla markaana xiriirka ka dhexeeya labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo si fudud u kala go’i karin.
Sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa Carabka ku dhuftay in maalinta Isniinta ee soo socota ee todobaadkan ay rasmi ah u bilaaban doonaan shaqooyinka ay Safaaradda Kenya u heysay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay inay shacabka heli doonaan adeegyada ay u baahan yihiin.
Muddo ku dhow 6 bilood oo xiriir ah ayaa waxaa xumaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, hayeeshee labada dowladood ay dib u celiyeen xiriirka, isla markaana xal laga gaaray khilaafkii jiray, dibna u furay Safaaradahooda ee Muqdisho iyo Nairobi.